Wararkii ugu dambeeyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa hadda maraya heer gebogebo ah iyadoo horumarro laga gaaray arrimihii laga wada hadlayay, waxaana la filayaa in dhawaan la soo gabogebeeyo.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in shirka ay Madaxdu sii amba qaadeen qodobada doorashooyinka iyo amniga.

Sidoo kale Macallimuu ayaa xusay in shirka uu marayo heer gabogabo ah, lana filayo in uu soo gabo gaboobo maalmaha soo socda, ayna ka soo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale maanta goluhu ay kulan la yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, waxayna ka dhageysan doonaan cabashadooda ku aadan doorashada.

Shirkan ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeyo madaxweynaha iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here