Halkii ayuu marayaa baaritaanka lagu hayo Macalin Bashiir oo lasoo qabtay?

0

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay eedeysane loo heysto in 4-tii bishaan uu xaaskiisii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 2021,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo uu soo saaray Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Qoraalka Afhayeenka ayaa intaas ku sii daray, “Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here