Hanaanka lacag bixinta mideysan ee Bangiyada oo maanta laga daah-furay Dalka

0

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guled ayaa maanta xariga ka jaray hanaanka lacag bixinta mideysan ee bankiyada dalka.

Kullanka daah-furka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, Bangiga dhexe iyo Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Hannaankan oo bangiga dhaxe ee Soomaliya uu ku mideynayo bangiyada Soomaalida taa bulshada fursad u siinaysa in ay awood u yeeshaan in ay lacag ka kala xawishaan bangiyada ka hawl gala Soomaaliya si shuruud la’aan ah.

Waa markii ugu horeysay ee Bangiyada dalka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay isugu yimaadaan ka arinsiga Hannaankan cusub ee lagu soo kordhinayo adeegayda Bangiyeed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here