Hanti-dhowrka guud ee Puntland oo hortagaya baarlamaanka maamulkaasi

0

GAROOWE (SMN) – Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa maanta u yeeray Hanti-dhowrka guud ee maamulkaasi, si loola xisaabtamo, isla-markaana loo weydiiyo su’aalo la xiriira xafiiskiisa.

Hanti-dhowrka ayaa warbixin ku saabsan shaqadiisa u jeedin doona xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maalmahan dambe ku mashquulsan la-xisaabtanka xukuumadda.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Hanti-dhowrka su’aalo ka weydiin doona shaqada uu u hayo shacabka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here