Hanti-dhowrkii hore ee Qaranka oo ka hadlay khilaafka DF iyo maamullada

0

MUQDISHO (SMN) -Hanti-dhowrkii hore ee Qaranka, Dr Nuur Faarax oo wareysi siiyey Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Dr Nuur Faarax ayaa ku taliyey labada dhinac inay ku dhaqmaan dastuurka u yaalla dalka, sidoo kalena ay dhowraan nidaamka dowladnimada ee dalkeenna.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu shir isugu yeero dhammaan hoggaamiyeyaasha maamullada, si ay uga wada tashadaan xaaladda dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa haboon inuu kulan deg-deg ah isugu yeero madaxda maamul goboledyada,” ayuu wareysiga ku yiri Dr Nuur Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here