Haweenka Gobolka Banaadir oo taageeray saxiixa heshiiskii 17 September

0

Haweenka Gobalka Banaadir ayaa Maanta shir ay ku Taageerayeen  Shirka Jihaynta Doorshoyinka Soomaaliya  iyo saxiixa Hashiiskii 17 September oo Maalinta bari ah la filayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ku qabtay xarunta tiyaatarka Qaranka.

Haweenka shirka Kasoo Qeybgalay ayaa Madaxda Ugu Baaqay In ay Dalka u turaan oo Aan Colaad loo horseedin.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiye  ku xigeynka   Arimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobalka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed (Jaketti)  Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale  iyo Haween ka kala yimid 17 Degmo ee Gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here