Haweenka Soomaaliyeed oo cambaareeyay duqeyntii Kenya ee gobolka Gedo

0

Qaar ka mid ah haweenka ku nool magaalada Muqdisho, kana soo jeeda gobolka Gedo ayaa cambaareeyay duqaynti  diyaaradaha dowladda Kenya ay ka gaysatay gobolka Gedo 3-dii bishan, iyagoo sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin duqaymaha soo laab laabtay ee ay dowladda Kenya ka geeysanayso gobolka.

Qaar ka mid ah haweenkii kulanka ka qayb galay oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in shacabka gobolka Gedo ay u baahanyihiin garab istaag, dhankoodana ay cambaareynayaan falkaasi foosha xun ee ay sameeyeen ciidamada Kenya, waxaana ay dowladda ka codsadeen inay wax ka qabato dhibaatada Kenya ay ku heyso shacabka Gobolka Gedo.

3-dii bishaan ayay ahayd markii diyaaradaha Kenya ay duqayn ka gaysteen gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Ceel Cadde iyo tuulooyin hoostaga Degmada Beled Xaawo, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dad shacab, waxaana ay u badnaayeen carruur iyo haween.

Dowlada Soomaliya ayaa magaalada Muqdisho keentay qaar ka mid ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen duqeynta, kuwaasi oo iminka lagu daweynayo isbitaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here