Hay’adda ICRC oo gurmad gaarsiisay 150 kun qoys oo Soomaali ah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa Arbacadii sheegay inuu 13 milyan oo Doollarka Mareykanka ah ku bixiyay bishii Ogosto si ay u caawiyo in ka badan 150,000 qoys, oo intooda badan ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo ay jirto abaaro iyo sicir barar.

Hay’addan samafalka ah ayaa sheegtay in qoysaskani ay heleen lacag ku filan oo ay ku iibsadaan raashin muddo bil ah, taasoo ah tii ugu horreysay oo bil walba la bixiyo oo loogu talagalay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay guryahooda ka soo saareen abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Qarammada Midoobay ayaa ka digtay in xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah oo taariikhi ah uu baaqday, qiimaha sare u kacaya, iyo gurmadka bini’aadantinimo ee aan la bixin ay sababeen koror boqolkiiba 160 ah tirada dadka ay wajahayaan heerar masiibo ah oo cunto yari, gaajo iyo cudurro Soomaaliya.

ICRC waxay sheegtay in abaartu ay sii jirtay afar xilli roobaad oo xiriir ah, isla markaana saameynta dhaqaale ee ay ku leedahay bulshada nugul ay uga sii dartay colaadda hubaysan ee daba dheeraatay iyo sare u kaca qiimaha cuntada iyo shidaalka.

In ka badan 30,000 oo qof ayaa ku barokacay bishii Maajo, 100,000 bishii Juun, halka bishii Luulyo la diiwaan geliyay 83,000, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay.

Laga soo bilaabo Janaayo 2021, in ka badan 1 milyan oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku barokaceen abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here