Hay’adda NISA oo shaacisay inuu xilka la wareegay Yaasiin Farey

0

Hay’adda nabad sugida iyo sidoonka qaranka ayaa shaacisay in taliyaha cusub ee sida ku meel gaarka ah loo magacaabay uu la wareegay xilka.

Gashaanle sare Yaasiin Cabdulaahi Maxamud ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha Cusub ee HSNQ.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA.

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here