Hay’adda SoDMA oo gargaar ka qaybisay deegaanka Gubadley + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo Hay’adda IHH ee Turkiga ayaa maanta 883 qoys gargaar ugu qeybiyey deegaanka Gubadley ee Gobalka Banaadir.

 

Gargaar qeybintan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan, Agaasimha waaxda arrimaha binaadamanida ee Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Marwo Sahra Cali Yuusuf, Gudooomiyaha Deegaanka Gudbadley Cabdullahi Kaalibey, Madaxa Xafiiska IHH Soomaaliya Hassan demir iyo ku xigeenkaliisa Atta Turabi.

 

Raashinkan ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed ugu deeqay dowlada iyo Shacabka Turkiga ayidoo loo soo marsiiyay Hay’adda IHH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here