Hay’adda WHO oo ka digtay xaaladda wadamo ay ku jirto Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in in ka badan 37 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay soo food saartay gaajo ba’an, iyadoo gobolka ay ka jirto mid ka mid ah macluushii ugu xumayd ee soo marta 40-kii sano ee la soo dhaafay.

Hay’addu waxay tilmaantay in ku dhawaad toddobo milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ay nafaqo darro ba’an ku hayso Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

WHO ayaa sheegtay in baahi loo qabo in loo helo cunto iyo biyo lagu badbaadiyo nolosha dadka ay soo food saartay gaajada, waxayna sidoo kale ku baaqday in la xaqiijiyo gurmad caafimaad oo xooggan oo looga hortagayo cudurrada ka dhasha macluusha.

Waxay WHO codsatay 123.7 milyan oo doolarka Maraykanka ah si wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee sii kordhaya loogana hortago dhibaatada cunnada inay isu beddesho dhibaato caafimaad.

Abaaraha ka jira gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa u sii dheeraa isbeddelka cimilada, colaadaha, qiimaha cuntada oo kor u kacay iyo caabuqa COVID-19.

Wadamada ay dhibaatadu ka dhacday waxaa ka mid ah Somalia, Sudan, Djibouti, South Sudan, Uganda, Ethiopia, iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here