Heshiis hordhac ah oo laga gaaray dagaalladii ka dhacay Beledweyne

0

Wasiiru dowlaha Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed “Gama’diid” ayaa shaaciyay in heshiis hordhac ah laga gaaray colaado ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qoraal uu Facebook-giisa soo dhigay ayuu Gama’diid ku yidhi: “Maanta alle wuxuu noo suura geliyay inaan ku guuleysanno in heshiis hor dhac ah kaga gaaro Dagaalladii ka dhacay magaalada Baladweyne.Waxaan u mahadnaqayaa qof walba oo kaalin ka geystay in halkaan wax soo gaaraan.”

Sidoo kale waxaa uu soo bandhigay war murtiyeed faahfaahinaya qodobbada uu ka kooban yahay heshiiskaasi.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here