HirShabelle oo baaq u dirtay dowladda dhexe iyo hay’adaha Samafalka

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowlad goboleedka HirShabelle, Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa maanta warbaahinta kula hadlay Beledweyne, kadib booqasho uu tegay xeryaha barakaacayaasha ee ku yaalla magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Wasiir Qoorgaab ayaa waxaa kormeerka ku wehlinayey xildhibaanno iyo saraakiisha hay’adaha ka howlgala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaalado daran oo dhanka nolosha ah ay wajahayaan qoysaska barakacayaasha ee ku sugan Beledweyne, kuwaas oo deegaannadooda kaga soo hayaamay, kadib markii ay saameyn ku yeesheen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka ah iyo hay’adaha aaalamiga ah inay gurmad soo gaaraan dadkaasi barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jirta xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd, taas oo ka dhalatay abaarta baahsan ee saameynta ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada, waxaana dhinaca kale socda gurmad iyo dadaallo ay waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo caawiyo qoysaska tabaaleysan ee ka soo barakacay deegaanadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here