JOWHAR (SMN) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo maamulkaasi.
Wasaaradda ayaa sheegtay ayada oo ka duuleyso go’aannada soo baxay ee la xiriira la dagaalanka Al-Shabaab inay ka digeyso la macaamilka kooxdaasi.
Qoraalka ayaa lagu faray ciidamada ammaanka in ay sharciga horkeenaan cid kasta oo xiriir la sameysa Al-Shabaab ama u hoggaansanta amarada ka soo baxa.
Halkan hoose ka aqriso:-