Guudlaawe oo la filayo inuu shaaciyo liiska musharixiinta Aqalka Sare

0

Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa haatan wada kulamadii ugu dambeeyey ee u diyaar garowga qabashada doorashada golaha aqalka sare ee maamulkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu shaaciyo liiska xubnaha u sharraxan golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa Jowhar gaaray qaar ka mid ah xubnaha musharixiinta ah oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Axmed Daaci, Dr Cismaan Dufle, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo xubo kale, kuwaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey gudaha magaaladaasi.

HirShabelle ayaa waxaa looga fadhiyaa inay guda-gasho doorashada dalka, si la mid ah maamullada kale oo bilaabay qabsoomida doorashooyinka 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here