HirShabelle oo faah faahin ka bixisay weerarkii xalay ka dhacay Jowhar

0

Wasaaradda amniga HirShabelle ayaa warsaxafadeed kasoo saartay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Jowhar ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxaya wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ka hortageen ciidamada ammaanka, kuna baxeen goobaha laga soo tuuray madaafiicda.

Sidoo kale wasaaradda amniga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa shaacisay in wax khasaare ah uusan geysan weerarkii xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

”Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeeyaan amniga caasimada HirShabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha amniga HirShabelle oo heegan ku jiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii ay kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay aasaaradda amniga maamulka HirShabelle.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo la weerarayo caasimada HirShabelle, waxaana habeen hore bam-gacmeed lagu dhaawacay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here