HirShabelle oo qabaneyso doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare

0

JOWHAR (SMN) – Magaalada Jowhar waxaa saaka ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labada kursi ee ka harsan xubnaha Aqalka Sare ku metalaya dowlad goboleedka HirShabelle, iyada oo xal laga gaaray murankii ka taagnaa kuraastaasi.

Doorashada labadan kursi oo ay ku tartamayaan illaa 5 musharrax ayaa saacadaha soo socda ka dhaceysa Jowhar, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee HirShabelle.

Xubnaha tartamaya ayaa kala ah:-

Kursiga 1-aad (#UH14) waxaa ku tartamaya:

Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir.

Cali Shacbaan Ibraahim.

Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga 2aad (UH#08) waxaa ku tartamaya labo dumar oo keliya:

Naciimo Ibraahim Yuusuf.

ZamZam Cabdullaahi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here