HirShabelle oo soo saartay dalab la xiriira kursiga Fahad Yaasiin

0
La taliyaha amniga qaranka Fahad Yasiin

JOWHAR (SMN) – Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa guddiga doorashada ee heer Federaal ee FEIT ka dalbaday in si shuruud la’aan ah loo fasaxo kursiga agaasimihii hore ee hay’adda NISA, ahna La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyda maamulkaas.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah” ayaa lagu yiri bayaanka Hirshabelle.

“Dowladda Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka madaxtooyada Hirshabelle.

Hirshabelle ayaa sheegtay inay u aragto tallabada lagu hakiyay kursigan inay tahay mid lagu ‘xagal daacinayo dhammeystirka doorashada dalka’, iyadoo ugu baaqday guddiga doorashada ‘inay dhowraan’heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here