Hodan iyo Xamarjajab oo xalay ku baratamay tartan aqooneedka Shabelle

0

Degmooyinka Hodan iyo Xamarjajab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa xalay ku loolamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyaga oo soo bandhigay tartan aad u xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka B ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xamarjajab oo tartanka isaga hartay ayaa heshay dhibco gaaraya 2, halka Hodan ay keensatay 4 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cabdullahi Cismaan Cadaani oo ah guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here