Howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo

0

Howlgalo isbaaro qaadis ah oo aay si wadajir ah u sameyeen ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga fuliyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlagalka ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaayay wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa mudada aay howlgalada ku guda jireen waxay qaadeen isbaarooyin dhowr ah oo aay ka mid yihiin Balow, Daa’uud, Buulle, Isbaaro Taraafiko, iyo waliba dhufeyso Maleeshiyo beeleed ka sameysteen gudaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

“Maanta ayaa Degmada Wanlaweyn laga fuliyay howlgal lagu nadiifinayo isbaatooyinka yaalay nawaaxiga degmadaas. Wafti ay horkacayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa qaaday Isbaaraayinka, iyadoo masuuliyada sugida Amniga degmadaasna loo dayay Saldhiga Boliiska Degmada Wanlaweyn, sida uu qabo sharciga Nabadgelyada Guud ee Qaranka” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in howlgalada isbaaro qaadista lagu soo qabtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lacago sharci daro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha ee isticmaala wadadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here