Howlgal ka dhacay xalay Garoowe oo lagu soo qabtay koox cabtoy ah

0

GAROOWE (SMN) – Taliska Booliska Puntland ayaa ka warbixiyey howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo lagu qaaday koox cabtoyn ah oo ka ganacsata Qamriga.

Wara ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay xalay howlgal qorsheysan ku qaadeen koox cabtooy ah oo qeyb ka ahaa kooxo muddooyinkii la soo dhaafay amni daro ku hayay ammaanka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka tirsan kooxaha cabtooyda oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen, hub iyo gaari khamri lagu waday, sida uu sheegay Booliska.

Sidoo kale hawlgalka waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo haweenay ah iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska, waxaana iminka lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka magaalada Garoowe.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Puntland ka socday howlgallo lagula dagaalamayo kooxaha burcadda ee ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here