Howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Mudug + khasaaraha

0

XARARDHEERE (SMN) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ayaa maanta howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ka sameeyey duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa barbar socotay duqeyn xoogan, waxaana uu ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoostaga degmada Xarardheere.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaankaasi, laguna dilay in ka badan 50 xubnood, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad un kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa agagaarka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus ka wadeen koonfurta Mudug, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here