Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay SH/DHEXE

0

JOWHAR (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka oo ka dhacay deegaanada Xalfooley oo u dhow xadka u dhexeeyo gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ku dileen illaa 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib weeraro dhabagal ah ay ku qaadeen gaadiid ay la socdeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here