Howlgalka Midowga Afrika oo war kasoo saarey dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO [SMN] – Howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa mar kale xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageeradda dowladda Soomaaiye ee dagaalka Al-Shabaab.

 

Tani waxay kamid tahay gudashada waajibaadkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya ee waddada nabadda iyo xasilloonida.

Mohammed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono madaxda dowladda Soomaaliya ee dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Ergeyga Midowga Afrika oo ka hadlayay shir ay yeesheen diblomaasiyiinta ajnabiga iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa xusay in la isku kaashan doono dadaallada ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

ATMIS waxaa lagu bedelay AMISOM, si ay u wiiqaan khatarta al-Shabaab iyo taageeridda dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here