Howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilaabanaya Jubbooyinka iyo Gedo

0

Maamulka Jubbalnd ayaa markale ku celiyay in ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Kooxda Al Shabaab oo ka bilaabaya Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland, Saleebaan Maxamed Maxamuud, oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa waxuu sheegay in Maamulkiisa uu qorsheynayo howlgallo laga bilaaabo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wasiir Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa cod dheer ku sheegay in haatan ay socdaan qorshaha lagu bilaabayo howlgallada, isagoona xusay in dhowaan gacanta Dowladda lagu soo celin doono Degaanada ay maamullaan Kooxda Al Shabaab.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid maalmo kadib markii Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga uu gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Wasiirka oo uu qeyb ka ahaa Taliyah Ciidanka Xoogga Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], iyagoo ka wada hadlay qorshaha howlgallo ka dhan ah Kooxda Al Shabaab.

Mar uu la hadlayay Ciidanka loo diyaariyay la dagaallanka Al Shabaab, ayaa Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, waxuu sharaxay muhiimada ay leedahay in gacanta Dowladda lagu soo celiyo Degaanada Al Shabaab ay ka maamullaan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kooxda Al Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu heysa Gobolka Jubbada Dhexe, halka ay weli maamullaan Degaano iyo Degmooyin dhowr ah oo dhaca Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Kooxdan ayaa wajaheysa guluf xoogan, tan iyo markii hogaanka dalka uu la wareegay Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxweynaha Dalka loo doortay 15-kii bishii May ee sannadkan.

Dagaal uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horseeday in Al Shabaab laga saaro Degaano iyo Degmooyin markii hore ay ka maamullayeen Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalladan ka socda qeybo ka mid ah Gobollada Dalka ayaa sababay barakac ballaaran, iyadoo xusid mudan in Dalka ay sidoo kale ku dhufteen abaaro xooggan, taasi oo keentay in kala bar Shacabka Dalka uu u baahdo gargaar cunno oo ka yimaada Caalamaka, sida lagu xusay qoraallo ka soo baxay Hay’addaha gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here