IGAD oo soo dhaweysay dib u soo celinta wada-hadalada doorashooyinka

0

Urur goboleedka Igad ayaa qoraal uu soo saaray kusoo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho saldhigeedu yahay heshiiskii 17-kii septembar ay wada saxiixdeen dowladda dhaxe, dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Qoraalka kasoo baxay Igad ayaa lagu yiri “waxay soo dhaweyneysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee isku raacay in la caddeeyo mowqifkooda ku aadan xal u helida Arrimaha doorashooyinka ee murunka uu ka jiray Sannadahii Dambe”

IGAD waxay ugu baaqeysaa dhammaan daneeyayaasha inay si dhaqso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka qaab dhismeedka heshiiskii 17-kii Sebtember iyada oo loo marayo wadahadal loo dhan yahay oo hufan oo mudnaanta siinaya himilada shacabka Soomaaliyeed.

Urur goboleedka Igad ayaa ku baaqay in laga fogaado wax walba oo kicin kara colaad iyo qalalaase lana xakameeyo ficilada geysan kara waxyeelada waxaana ay sheegtay in ay sii wadeyso taageerada ay u siiso Soomaaliya.

Qoraalkaan Kasoo baxay Igad ayaa qeyb ka noqonaya baaqyo si daba joog ah oo kasoo baxay saacadahii dambe saxibada caalamka eek u aadana xal u helida Ariimaha doorashooyinka Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here