Ilhaan Cumar oo jawaab ka bixisay eedeyn culus oo loo jeediyey

0

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska Mareykanka ayaa waxay jawaab kulul oo naadir ah siiyay xubnaha ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga ka dib hadal horey uga soo yeeray oo ay Mareykanka iyo Israa’iil la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamas.

Tiro xildhibaano Yuhuud ah ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay inay “cadeyso ereyadeeda”, iyadoo wakiilka Minnesota ayaa si kulul u weeraray xildhibaanadan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dhalleeceyn Ms Omar u jeediso Israel ay khilaaf ka dhex abuurto xubnaha xisbigeeda.

Sannadkii 2019-kii, waxay raalli-galin ka bixisay hadal ay sheegtay oo ahaa in ay lacag ay sabab u tahay taageerada Israa’iil.

Maalintii Isniinta, Ms Omar waxay barteeda Twitterka ku soo qortay “waxaan aragnay gumaadka aan la malayn karin ee ay gaysteen Mareykanka, Xamaas, Israel, Afghanistan, iyo Taliban”.

“Waa inaan u helnaa isla xisaabtan iyo cadaalad dhammaan dhibanayaasha xadgudubyada ka dhanka ah aadanaha,” ayay qortay, xilli ay su’aalo waydiinaysa Xoghayaha Arimaha Dibada Anthony Blinken intii lagu guda jiray dhageysiga gudiga Aqalka Wakiilada.

Khilaafka ayaa imanaya todobaadyo uun kadib markii dagaalkii u dhaxeeyay Xamas iyo Israa’iil lagu soo afjaray xabad joojin iyadoo ay isa soo tarayaan wararka ku saabsan weerarada neceyb ee ka dhanka ah Yuhuuda Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here