Imaam Daahir oo xabad joojin kala dhex-dhigay beelo ku dagaalamay Cadale

0

CADALE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in xabad joojin rasmi ah la kala dhex-dhigo beelo walaalo ah oo maalmahaan ku dagaalamayey deegaanada kala ah Ceel-gub,Laba Garas iyo Ceel oo dhamaan hoostaga degmada Cadale.

Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Mudulood iyo wafdi odayaal ah oo uu hoggaaminayey ayaa ku guuleystay daminta colaaddaasi, kadib markii ay tageen deegaannada lagu dagaalamay oo ay ka sameeyeen dhex-dhexaadin.

Imaamka ayaa labada dhinac kala hadlay in dagaalka ay joojiyaan inta la’isaga imaanayo gogol ballaaran oo lagu soo afjarayo colaadan oo ah mid soo noq-noqotay.

Halkan hoose ka daaw warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here