Imaamkii labaad ee Masjid oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka aroortii hore Imaam Masjid ku dileen xaafadda Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan, ayada oo rag burcad ah oo Taleefoon ka dhacayey ay dileen xilli uu kasoo baxay Salaaddii Subax.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyey howlgallo lagu baadi goobayao kooxihii ka dambeeyey falkaasi oo goobta ka baxsaday.

Waa Imaamnkii labaad oo la lagu dilayo gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo Jimcihii la soo dhaafay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir lagu dilay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here