Imaaraadka oo cambaareeyay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho

0

ABU DHABI [SMN] – Imaaraatka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii qaraxa ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday Xarun lagu tababaro Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ku taalla Magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamo iyo dad shacab ah.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in dowladda ay garab taagan tahay shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana ka caawinayso soo celinta badan iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dowladda Imaaraadka waxay tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarkii saldhiga Jeneraal Dhega Badan lagu qaadey, waxayna u rajaysay caafimaad degdeg ah dhammaan inta ku dhaawacantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here