Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo Maanta ka billowday dalka

0

Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka  shahaadiga ah ee Dugsiyada sare.

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ay Maanta u fariisanayaan imtixaanka, kaas oo Manta ka bilaabanaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka..

Mas’uuliyiin ka tirsanqeybaha kala duwan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here