Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay degmada Baardheere

0

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay is rasaaseeyeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inuu dhintay mid ka mid ahaa askarta dagaalantay, halka kan kalena uu sidoo kale dhaawac soo gaaray.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dhacdadan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo kale oo ka socda AMISOM iyo sidoo kale kuwa dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Baardheere oo ku aadan iska hor imaadkaasi khasaaraha dhaliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here