Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkayco

0

GAALKACYO (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad khaaare kala duwan geystay oo saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Iska hor imaadka ayaa u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo isku qabtay dhul ku yaalla magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyootay dagaalka dhex maray labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 kale.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana muddo kooban hakad-galay dhaq-dhaqaaqya dadka, gaadiidka iyo ganacsiga waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here