Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay madaxweynaha Jabuuti

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada wadankaas, kaddib markii uu helay 89.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan sida laga baahiyay Tv-ga Dowladda Jabuuti, iyada oo ay dhaceen dabaaldegyo lagu soo dhaweeynayo doorashada Jabuuti.

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Geelle, kaddib markii uu dhiibtay codkiisa ayuu sheegay inay doorashadu ay si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan, Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here