James Swan oo bogaadiyey shaqada guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa maanta u hambalyeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) oo dhawaan ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,

James Swan ayaa ku bogaadiyay magacaabista degdega ah ee guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha iyo ku dhawaaqista in la qabanayo doorashada 15-ka Maajo.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan la qabanayo doorashada guud ee madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here