James Swan oo kulan la yeeshay madaxweynaha Galmudug + Sawirro

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Isagoo sii wata kulamada wadashaqeynta joogtada ah ee uu la leeyahay madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya,  Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa maanta booqday magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor si ay uga wada hadlaan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha dawladnimada, amniga, abaaraha iyo taageerada Qaramada Midoobay.

“Asagoo eegaya mustaqbalka, madaxweyne  Qoorqoor waxa uu noo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in uu la shaqeeyo maamulka cusub ee federaalka iyo in la gaaro waxyaabaha muhiimka  u ah  qaranka Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee QM James Swan oo warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb maanta kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyaha Galmudug.

Hadal uu warbaahinta maanta uga jeediyay magaalada Dhuusa-mareeb, ayaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu u xaqiijiyey Madaxweyne Qoorqoor inay sii wadayaan gargaarka bini’aadantinimo iyo u doodista taageero caalami ah oo dheeraad ah si loo yareeyo xaaladda abaareed ee ka jirta Galmudug loogana hortago Macaluul ka dhacda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here