Jubbaland iyo Galmudug oo qabanayo doorashada kuraas ka mid ah BF

0

KISMAAYO (SMN) – Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa  lagu wadaa in Maanta ay ku qabtaan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta la dooranayo ayaa horay loogu diiwaangeliyay Xubnihii ku tartami lahaa, waxaana Galmudug ay qabaneysa doorashada 7-kuris kuwaas oo horay guddigu u shaaciyay.

Jubbaland ayaa iyana dhankooda lagu wada in maanta ay qabtaan doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BFS waxan soconayo qaban qaabada loogu jiro jiri doorashada

Dowlad goboleedyada dalka ayaa ayaa waxa ka soconayo dar-dar galinta arrimaha doorashooyinka ,iyadoona shalay Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo lagu qabtay doorashada Xubno kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here