Jubbaland oo billowday diiwaangelinta musharraxiinta Aqalka Sare

0

Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka diiwaangelinta musharraxiinta Aqalka Sare ay ka bilaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland oo kaashaanaya kan doorashooyinka ee heer federaal ayaa ku howlan qaban qaabada doorashada iyo diiwangelinta musharraxiinta ku loolameysa kuraasta taalla magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa shalay soo saaray liiska afar ka mid ah musharraxiinta u taagan sideeda kursi ee Jubbaland ay ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashadan oo ay si weyn ugu loolamayaan xubnaha doonaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ayaa dhaceyso beri, sida ay shaacisay Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here