Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan xukuumadda cusub

0

KISMAAYO (SMN) – Dowlad goboleerka Jubbaland ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhismaha xukuumadda cusub ee uu wasiiradeeda dhawaan soo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland, Suldaan Cabdiqaadir Luga-dheere oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuy ugu baaqay xildhibaanada barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya inay meel mariyaan xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

Sikastaba, Jubbaland waa maamulkii ugu horreeyay ee taageera xukuumadda cusub ee Soomaaliya, xilli maamulada kale qeybtood ay saluug weyn ka muujinayaan habka loo qeybsaday golaha wasiiradda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here