Jubbaland oo guddi u saartay aaska wasiirkii arimaha gudaha maamulkaas

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha Gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Ee maamulka jubbland oo shalay ku geeriyooday dalka jarmalka  Marxuum Gen: Maxamed Warsame darwiish oo meydkiisa dhawaan dalka la keeni doono.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa xubnaha uu magacabay qaban-qaabada Aaska waxa ay ka koobanyihiin ilaa 7 ruux oo iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale oo jubbland katirsan

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah.

  • Mudane Maxamed Yuusuf Omar guddoomiye
  • Mudane Hussein Hirsi Ahmed guddoomiye ku xigeen
  • Mudane Generaal yuusuf Hussein Osmaan
  • Mudane Ceydiid Suleeyban Xaashi
  • Mudane Cumar Abdullaahi Maxamed
  • Mudane Ali Cadheys Hassan
  • Mudane Ahmed Abbdirisaaq Maxamed

Marxuum Janaraal Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) ayaa sanadihii u dhaxeeyay 2006 ilaa 2009 Waxa uu soo noqday Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka isaga oo maamulka jubbland xilal kala duwan uu ka soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here