Jubbaland oo qabaneyso doorashada kuraas ka mid ah BF Soomaaliya

0

KISMAAYO (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa shaaciyey in maanta ay qabanayaan doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ka soo galaya dhanka maamulkaasi.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#082, HOP#108, HOP#113, HOP#134, HOP#203 iyo HOP#217.

Jubbaland waa maamul goboleedkii saddexaad ee qabta doorashada xubnaha baarlamaanka, waxaana ka horreeyey Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here