Jubbaland oo shaacisay inay howlgal ku dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixisay weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarka ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Sarreeye Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaadeen inay ka hortegeen weerarkaasi, isla-markaana ay khasaare lixaadleh gaarsiiyeen dagaalyahanadii soo qaaday.

Sidoo kale wuxuu tlmaamay inay dileen illaa in ka badan 10 ka mid ah xubnaha weerarka soo qaaday, sida uu hadalka dhigay.

Saxardiid oo hadalkiisa sii waya ayaa xusay inay sii wadayaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee maamulkaasi.

Jubbaland ayaa lagu wadaa in mardhow uu ka billowdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo hadda ka socdo inta badan gobollada kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here