Jubbaland oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada nabad sugidda iyo kuwa booliska ee maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayna gacanta ku soo dhigeen raggii ku sugnaa halkaasi.

Saraakiilka tirsan laamaha ammaanka Jubbaland oo ka hadlay howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la soo qabtay la xiray, isla-markaana ay horgeyn doonaan cadaaladda.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada Jubbaland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here