Jubbaland oo soo bandhigtay ciidamo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay wasiirka Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ugu horayn Madaxweyne Axmed ayaa tilmaamay in ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono.

Ugu danbayntii Axmed Madoobe ayaa ku amaanay Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka & in laga adkaado Shabaab oo dagaallo jiho kala duwan leh lagu furay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here