Jubbaland oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya

0

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex-qaraxday hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya.

Ugu horreyn Jubbaland ayaa boggaadisay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraal Tahliil Faarax oo ay hay’adda NISA shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa sidoo kale soo dhoweysay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee Fahad Yaasiin.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Si kastaba madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa isku khilaafay shaqo joojinta lagu sameeyey Fahad Yaasiin, waxaana arrintan ay daba socotaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here