Jubbaland oo xirtay wakiilka doorashada ee Cabdi Cali Raage

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa xalay gudaha magaalada Kismaayo ku xiray wakiilka doorashada ee siyaasiga Cabdi Cali Raage oo haatan ah la-taliyaha dhanka arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Raage oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in xalay wakiilkiisii doorashada uu ku hoyday xabsi, isla-markaana saaka la geeyey garoonka Kismaayo, si loo soo masaafuriyo.

Halkan hoose ka aqriso:-

War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho
kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan.

Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay.

Waxaan marka labaad ku baaqayaa in muwaadinkan gurigiisa iyo caruurtiisa aan lakala go’doomin hadii uu danbi leeyahayna haayadaha cadaalada la hor geeyo hadii kalana xoriyadiisa loo celiyo.

In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here