Karaash oo dhagax dhigay dhismaha wadada Laascaanood iyo Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dib-u-dayactirka 40 km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.

Qeybta dayactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood illaa Garoowe ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa Dowladda oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shaqada socota ee dib loogu dayactirayo Wadooyinka Gobollada Puntland, wuxuuna la wadaagay Bulshada in sidoo kale la dhisi doono Jidadka Gobolka Gardafuu iyo Degmooyinka Taleex, Boocame iyo Buuhoodle.

Munaasabadda  waxaa  Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here