Karaash oo guddoomiyey Shirka Maamul Daadajinta iyo Adeeg Bixinta Puntland

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-Guddoomiyay shirka Maamul baahinta Puntland oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Puntland.

Shirka maamul baahinta Puntland waxaa ka qeybgalay Wasiirada bah-wadaagta ku ah mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyo daadejinta adeega Dowladaha Hoose ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha maamul baahinta iyo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, iyadoo la hubinayo adeegyada Dowladdu u qabato Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here