Kenya oo dib u furtay duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya

0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeya dib loo fasaxay duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya, kadib xayiraad muddo ah oo ay saartay dowladda dalkaasi.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in maanta laga billaabo dib loo furay duulimaadyada ka imaada Soomalaiya iyo kuwa ka baxa Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay horseedeyso in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal oo aad u hooseeyey bilihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here