Kenya oo heegan-gelisay ciidamadeeda, kadib hanjabaaddii Al-Shabaab

0

NAIROBI (SMN) – Xili dhawaan ay dhacday doorasho aan natiijadeeda wali lagu dhawaaqin, ayaa dowladda Kenya waxay sare u qaadey heerka feejignaanta amniga, iyadoo cabsi ka qabta in weeraro ay kusoo qaado Al-Shabaab.

Ciidamo badan oo boolis iyo militeriga isagu jira ayay Kenya keentay xadka Soomaaliya, si ay uga hortagaan weerarada suuragalka ah ee Al-Shabaab la bartilmaameedsan karto goobo muhiim ah.

Tani ayaa timid kadib markii Saraakiisha ciidanka Kenya ay kulan gaar ah ka yeesheen hanjabaadda Al-Shabaab u dirtay dalkaasi kadib doorashadii Madaxweynaha cusub William Ruto 9kii Bishan August.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hadii Ruto uu Ciidamada Kenya ka saari waayo Soomaaliya ay beegsan doonaan xarumo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa digniinta kadib ku amartay Ciidamada ka jooga xuduudda in ay si heer sare ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa Soohdinta si looga hortago weerar kasta oo loo qorsheeyay dalkaasi.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo qeyb ka ah ATMIS, kuwaasoo ka howlgalada Jubaland.

Al-Shabaab ayaa wixii ka dambeeyay markii Ciidamada Kenya xududa kasoo tallaabeen fulisay Weeraradii ugu khasaaraha badnaa, oo ugu waaweynaayeen West Gate Mall iyo Jaamacadda Garissa oo dhacay 2013 iyo 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here